LA ISKUMA SALAAMIN: Sweden oo taageertay inay Muslimiintu diidi karaan salaanta & Switzerland oo KHASAB ka dhigaysa! (Laba kiis oo dood dhaliyay)

0

(Yurub) 18 Agoosto 2018 – Waxaa Yurub ka taagan dood ku saabsan laba kiis maxkamadeed ayaa ku dhamaaday laba natiijo oo gebi ahaanba caksi ah, arrintuna waxay ku saabsan tahay xaqa uu qofka Muslimka ihi u leeyahay inuu diidi karo inuu salaamo sinjiga lidka ah.

Lamaane Muslim ah oo ku nool dalkaasi Switzerland ayaa dhalashada dalkaasi oo ay dalbadeen loogu diidey sabab la xiriirta diidmo ay u muujiyeen inay salaamaan jinsiga lidka ah, taasoo noqonaysa xushmad darro ay u muujiyeen sinnaanta jinsiga, sida ay ku doodeen golaha degaanka.

Yeelkeede, dalka Sweden, haweenay Muslimad ah ayaa lagu abaal mariyay magdhow lacageed oo gaaraya 40,000 oo karoon ($4,350) kaddib markii ay maxkamadda shaqaaluhu xukuntay inay midad takoor tahay joojinta waraysi shaqo kaddib markii ay diiddey inay salaanta ninkii waraysiga ka qaadi lahaa.

Diinta Islaamka ayaa qabta inaadan salaami karin qofka ajnabiga kaa ah, gaar ahaan jinsiga lidka ah, waa arrin inta badan dood ka dhalisa galbeedka oo Muslimiin badan arrintaa lagu bartilmaameedsado.

Hadalsame Media