(Bern) 18 Agoosto 2018 – Xoghayihii hore ee QM oo sidoo kale ahaa diblomaasi caan ah, Kofi Annan, ayaa geeriyoodey isagoo 80 jir ah.
Kofi ayaa ku geeriyoodey isbitaal ku yaalla caasimadda Swiss-ka ee Bern, isagoo la tiicayay bugto “muddo gaaban haysay,” sida ay qoyskiisu sheegeen.
Ninkan ayaa geeriyoodey iyadoo ay dhinac fadhiyaan xaaskiisa iyo 3 carruur ah oo uu dhalay, waxayna qoyskiisu ku amaaneen inuu u dagaallamay “duni ka nabdoon kana cadaalisan” sida ay maanta tahay.
Diblomaasigan caanka ahaa, Annan ayaa sanaddii 1938-kii ku dhashay mustacmaraddii Britain ee Gold Coast, oo markii ay xoroowdey qaadatay magaca Ghana. Wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyay WHO (World Health Organization), wuxuu kaloo Annan soo noqday Agaasimaha Dalxiiska Ghana.
It is with immense sadness that the Annan family and the Kofi Annan Foundation announce that Kofi Annan, former Secretary General of the United Nations and Nobel Peace Laureate, passed away peacefully on Saturday 18th August after a short illness… pic.twitter.com/42nGOxmcPZ
— Kofi Annan (@KofiAnnan) August 18, 2018
Hadalsame Media