(Mogadishu) 18 Agoosto 2018 – Sacuudi Carabiya ayaa isku diyaarinaysa martigalinta gudashada Acmaasha Xajka oo sanadkiiba mar ah, waxaana sanadkaan xajinaya in ka badan Hal milyan iyo bar Muslimiin ah.
Muslimiinta xajinaya ayaa ka kala yimid guud ahaan dunida waxayna u imaanayaan Sacuudiga Guddaashada mid ka mid ah Arkaanta Islaamka oo ah Xajka.
Micnaheedu waxaa uu yahay in qofka Muslimka ah haddii uu awoodo uu xajiyo noloshiisa hal mar, haddii uu rabana dhawr jeer waa tagi karaa Xajka.
Waxay tagi doonaan Magaaladda Makka si ay u xusaan Allaah una gutaan waajibaadka Xajka, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka Xujeyda.
Dalalka ay ka imaanayaa Xujeydu waxaa ka mid ah Soomaaliya waxaana sanadkan dowladda Soomaaliya hawlgalisay ugu yaraan shan shirkadood oo gaar loo leeyahay kuwaas oo xujeyda u daabulayey dalka Sacuudiga Carabiya maalmihii ugu dambeeyey.
Maalinta Sagaalaad ee Bishaan Arafo ayaa la filayaa in gudashada xajka ay si rasmi ah u billaabato, waxaana caado ah in maalinta xigta ee Ciida la gowraco kumanaan xoolo ah.
Hadalsame Media