Dalalka Iiraan, Venezuela & Turkey oo keenay khidad ay ku qiime ridaan Doollarka Maraykanka!

0

(Ankara) 18 Agoosto 2018 – Dunida ayaa u muuqata mid dhaqaale ahaan mashaqo sii muquuranaysa kaddib markii ay is dheeheen ganacsigii iyo siyaasaddii, waxaana haatan soo noqonaya caadooyinkii hore sida adeegsiga biraha qaaliga ah ee dahabka iyo qalinka, sida uu qabo Claudio Grass, oo ah xeeldheere madax bannaan oo u dhuun daloola biraha qaaliga ah.

“Dadku maanta, gaar ahaan Galbeedka, waxay illaaween in lacagta warqadda ihi aysan ka badnayn wax caddayn jirey qiimaha dahabka ama qalinka aad haysato. Maantase kama badna dardaaran qaameed sheegaya in jiilka dambe ay deemeheenna bixin doonaan,” ayuu yiri Grass.

Ninkan ayaa tusaale usoo qaatay dalalka Iiraan, Venezuela iyo Turkey, kuwaasoo ay markii lacagohooda lagu qiime tiray doollarka, Maraykanka oo ay siyaasad isku qabteen u wada weecday dhanka wax ku iibsiga biraha qaaliga ah.

© Murad Sezer
Wax ku iibsiga dahabka oo laba laabmay tan iyo bilowgii xasaradda Liiraha Turkiga

“Qiimaha dahabka ee kacaya ayaa muujinaya inay wax ka khaldan yihiin dhaqaalaha, waana arrin uu fahmi karo qofka caadiga ah ee jidka maraya,” ayuu raaciyay isagoo sheegay in Maraykanku uu eedi doono siyaasadaynta doollarkiisa, waayo dadka ayaa luminaya kalsoonidii ay ku qabeen lacagta warqadda ah.

Hadalsame Media