Booliiska oo weerar ku qaaday xafiiskii weriye Coldoon (Maxaa dhacay?)

0

(Burco) 18 Agoosto 2018 – Wararka Hadalsame kasoo gaaraya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in booliska Togdheer ay weerareen xafiis uu magaaladaasi ku leeyahay weriyaha iyo gayfanaha Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa Coldoon laftiisa ayaa sheegaysa in la qaatay alaabooyinkii halkaa yaalley oo ay ku jiraan dokumentiyo uu xafiisku lahaa.

Lama hayo war iyo wacaalka Coldoon laftiisa, balse sida uu qorayo Somaliland Mirror, waxay ciidamadu maalmihii tegey isku dayayeen inay qabtaan Coldoon, waloow aysan u suura gelin, wuxuuna horay u sheegay in lagu raad joogo, marna waa la xirey hadda kahor.

Hadalsame Media