(Kismaayo) 18 Agoosto 2018 – Faarax Macallin oo ah siyaasi saraaxi ah oo aalaaba warka u sheega sida ay la tahay ayaa ka dhawaajiyay arrin ka jirta gobolka Jubbaland ee dalka Somalia oo laba sababoodba aan loo qaateen u ahayn.
Faarax ayaa Twitter-ka kusoo qoray: ”Dowladda Kenya waxay bil kasta Jubbaland siisaa USD 1.5m oo doollar (milyan & bar) oo ay mushahar ahaan u qaataan ciidamo 7000 gaaraya oo hoos taga Jubaland. Waxaa dheer 5500 oo Xoogga Keny ah, 4000 Xoogga Somalia ah, 3000 Itoobiyaan ah & 1000 Burundi ah, si ay meesha uga xaaqaan AlShabaab oo ah malliishiyo aan si wanaagsan u hubaysnayn. Ii sheeg waxa uu qorshuhu yahay?”
Arrintan ayaa muujinaysa 3 arrimood:
1 – In ciidamada ay Kenya ugu horreeyso ee intaa la egi ay ilaa maanta Kismaayo dhaafi la’yihiin, waa mid muujinaysa daacad darro ku aaddan sababta ay markii horeba u sheegeen inay halkaa u tageen.
2 – In uu dal kale oo uu xafiiltan istaraatiji iji kaala dhexeeyo uu bixiyo mushaharka ciidamo maxalli ah oo uu dalkaagu leeyahay, waxay muujinaysaa talo xumo aad u baahsan.
3 – Ciidamada Kenya oo ka mid ah kuwa dunida ugu musuq badan, ayaa gacanta si gaar ah ugu haya garoonka dayuuradaha iyo dekedda Kismaayo, halkaasoo ay canshuur ay iyagu maamushaan ka qaadaan wixii ka dhoofa sida dhuxusha sharci darrada ah iyo wixii kasoo degaya, waxaana hubaal ah in 1.5m ee ay siiyaan ciidamada Jubbaland ay jajab yar uun ka yihiin lacagaha ay ka shaqeeyaan isla Kismaayo.
Kuma darayno kaabayaasha dhaqaale ee ay markii ay doonto iska burburiso, hablaha ay iska kufsanayso, dadka rayidka ay ee ay iska duqeeyso, dowladda Somalia ee ka aamusan iyo kuwa kale oo aannu waqti kale eegi doonno.
Marka ay halkaa taagan tahay, waxaa meeshaas ka muuqata qarada nasiib darrada ku dhacday qarannimada Somalia.
Kenya Government gives USD 1.5m every month to Jubaland authority to pay the salaries of 7000 strong Jubaland force. Additionally there are 5500 KDF, 4000 SNA, 3000 Ethiopians & 1000 Burundians to flush out 1500 AlShabaab I’ll equipped ragtag militia. Tell me what’s the plot?
— Farah Maalim (@FarahMaalimM) August 18, 2018
Hadalsame Media