(Mogadishu) 17 Agoosto 2018 – Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga galinkii dambe ee maanta kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxwayneha Soomaaliya ayaa booqasha ku joogay dalka Jabuuti kahor intii uusan galabta ka dhoofin halkaasi.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed ayaa safarka Madaxwaynaha ee Turkiga u xaqiijiyey Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxwayne ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka labada wadan.
Waxaa sidoo kale ay ka wadahadli doonaan iskaashiga ku saabsan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.
Mr. Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeybgalo 6 sanno guurada aas-aaska Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Party oo ku beegan 18-ka bishaan.
Intii uu joogay dalka Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa uu kulamo la qaatay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka wada hadleen amuuraha gobolka iyo tan labada dale e Soomaaliya iyo Jabuuti.
Hadalsame Media