
(Santa Fe) 17 Agoosto 2018 – Wiil la dhashay arbaha Barcelona ee Leo Messi, oo la yiraahdo Matias, ayaa gorodda loo geliyay xukun gaaraya 2 sanadood iyo bar, balse halkii uu xabsi ka geli lahaa, wuxuu qabanayaa adeeg bulsho.
Warsidaha Argentine kasoo baxa ee La Capital, ayaa faafiyay go’aankan, isagoo sheegay inay sidan ku heshiiyeen maxkamadda, dacwad oogayaasha iyo qarreenada.
Mattias, ayaa lagu helay inuu lahaa hub laga helay doonidii 2017-kii, taasoo ku caaridey Webiga Parana kaddib shil ay gashay, waxaana 35-jirkan oo qalka ka tarraray isla markaana ay dhaawacyo kale gaareen laga soo qaaday gobolka Santa Fe. Qarreenkiisa ayaa bilowgii inkirsanaa inuu macmiilkiisu hubka lahaa.
Hadalsame Media