Ma jiro Dalal kale oo aan kula xifaaltameyno gudaha Soomaaliya: Turkey

0

(Mogadishu) 17 Agoosto 2018 – Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inaysan habayaraatee wax tartan ah kula jirin dalal kale oo dunida ka tirsan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana ay ku adkeysatay inay diyaar u tahay sii joogteynta xal u helida arrimaha Soomaaliya.

“Waligeenba wax tartan ah lama aanan galin dalal kale arrimha Soomaaliya, waxaana Turkiga aad looga jecel yahay gudaha Soomaaliya waana lagu kalsoon yahay kadib gurmadkii sanadkii 2011,”  ayuu yiri, Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Bekar oo hadlayey wakaaladda Anadolu Agency

Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in marna aysan diyaar u aheyn inay faragaliyaan arrimaha gudaha ee Soomaalida kaliyana ay ku kooban yihiin taageero toos ah oo ay siiyaan dowlad dhisida Soomaaliya.

Turkiga ayaa saldhig weyn oo ciidan ka furay Magaaladda Muqdisho si tababar loogu siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media