(Milano) 17 Agoosto 2018 – Inter Milan ayaa ku dhawaaqday inay maxkamad la tiigsan doonto guddoomiya La Liga jaalle Javier Tebas kaddib markii ay ka xumaadeen warka uu ka yiri doonistoodii fashilantay ee Luka Modric.
Madaxwaynaha La Liga ayaa ku dooday in Nerazzurri “aysan lacag haysanin, balse ay misna laacibiinta u ballan qaadayso lacag buur ah”, ka hor inta aanu dood ka keenin halka ay ay lacagahaa ka keenayaan.
Wuxuu sidoo kale Beneamata ku eedeeyay “khiyaano” marka ay timaaddo qaabka ay u wajeheen laacibka Real Madrid ee Modric, isagoo sidoo kale maagay kooxda Juventus.
“FC Internazionale Milano waxay ku dhawaaqaysaa inay tillaabo sharci ah ka qaadi doonto arrinta Mr. Javier Tebas iyadoo daba geleeysa warkii uu maanta warbaahinta siiyay,” ayaa lagu yiri war gaaban oo ay Nerazzurri soo dhigtay webkeeda rasmiga ah.
Hadalsame Media