(Mogadishu) 17 Agoosto 2018 – Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamud Cali Yusuf ayaa soo dhaweeyey booqashada Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Jabuuti iyadoona la filayo in labada dal ay soo saaraan warmurtiyeed rasmi ah.
Mr. Yusuf ayaa sheegay in Madaxwaynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ku kalsoon yahay sii xoojinta xariirka labada dale e Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in dhigiisa Jabuuti uu kala hadlayo wax yaabo badan oo ay ka mid yihiin booqashadiisii dalka Eritrea oo Jabuuti ka carootay markii Farmaajo codsaday in Eritrea laga qaado cunaqabateynta.
Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dhex dhexaadin ka dhex sameyso labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.
Hadalsame Media