(Adis Ababa) 17 Agoosto 2018 – Waxa Ay Itoobiya U Baahan Tahay Waa Federal Qaab Dhismeed Kale Leh, Kaddib afar bilood oo uu xafiiska joogay Raisul Wasaaraha is bedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Abiy Ahmed waxa uu ku guuleystay in uu qaranka geliyo rejo wanaagsan, nabad iyo mustaqbal baraare leh. Siyaasaddiisa arimaha gudaha iyo dibedda waxa ay ka xawaare dheereeyeen filashooyinkii laga qabay.
Ahmed sidoo kale waxa uu xoogaa horumar ah ka sameeyey xallinta xiisadda waligeed jirtay ee qowmiga ah, taas oo isaga u sahashay in uu awoodda dalka la wareego. Waxa uu noqday mideeyo isaga oo ku guuleystay in uu nabad iyo xasillooni ku soo celiyo qeybo ka mid ah is maamul gobolleedyada ugu dhibta badnaa dalka.
Hase ahaatee, isku dayga Ahmed ee mideynta Itoobiya ma noqon mid guuleysata. Xiisado qoymiyadeed ayaa wali ka dhex scoda qaar ka mid ah qabaa’ilka, sida qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee Bariga Itoobiya iyo Oromada iyo Gedeo ee bartamaha Koonfureed ee Itoobiya.
Maxaa ka dhacay gobolka Soomaalida?
Dhibaatada u dhexeeysa qoowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada waxa uu xadka u dhexeeya ka bilowday bishii Sebtembar 2017, dad badan ayaa ku dhintay waxaaa ku barakacay ku dhawaad dad hal miya gaaraya.
Sare u kaca collaada ayaa u muuqatay mid ay sababtay xuquuqda lahaansha dhul daaqsimeed walow xiisadda labadaas bulsho ay arrimo kale sababaan – deegaan, siyaasad iyo dhaqaale.
Waqtigaas (Collaadda), Ahmed wali ma noqon hoggaamiye; hase ahaatee, waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Oromia, waxa uu sameeyey isku dayo uu xaaladda ku dejinayo, ayaan darro guul aan weyneyn ayuu ka keenay.
Yeelkeede, xasaradaha hoos u dhac ayaa ku yimi, taas oo ay jirto markii uu awoodda la wareegay Ahmed bishii afraad, nabad galyada deegaanka wey soo hagaageysay – xataa waxaa bilaabanayey soo laabashada dadkii ku barakacay dagaalada.
Isla markii uu talada la wareegay Ahmed, waxa uu bilaabay in uu ka shaqeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan xaalada caadiga looga dhigi karo, xataa waxa uu doortay in deegaanka ismaamulka Soomaalida uu ka dhigo booqashadiisa kowaad ee safarada maxaliga ah.
Hase ahaa, waxaa durbadiisa caddaatay in madaxweynaha ismaamulka deegaanka Soomaalida, Abdi Mohamud Omar uusan taageersanayn ajandihii is bedelka ee Ahmed.
Ahmed waxa uu daacad u sii ahaaday xisbigii Tigray ee People’s Liberation Front (TPLF), taas oo gacanta ku haysay awoodda dalka ee ku dhisneyd is gaashaan buureysiga qowmiyahada kahor inta uusan Ahmed talada la wareegin. Isaga oo haysta taageerada TPLF, Omar waxa uu si xiriir ah uga horyimi mas’uuliyiin ka socday maamulka Federal-ka ee Ahmed isaga oo caddeeey in uusan diyaar u ahayn la shaqeyntooda si deegaanka dib caadigiisii loogu soo celiyo.
Taas waxaa dheer, Omar waxa uu halkisii ka sii waday in uu ciidamada deegaanka ee sida gaar ah u tababaran ee loo yaqaan Liyu Police-ka u adeegsado qoymiyadda Oromada kuwaas oo ka hawgaley xuduudadda u dhexeysay labada deegaan. Bilowgi Abriil, hay’adda xuquul insaanka ee Human Rights Watch waxa ay daabacday warbixin ku saabsaneyd jirdilka lagu sameeyo xabsi caanka ahaa deegaanka Soomaalida waxa ayna ugu baaqday Ahmed in uu armo baaritaan oo uu lala xisaabtamo mas’uuliyiinta deegaanka.
Isla hay’adda xuquuqul Insaanka ee Itoobiya ayaa soo gudbisay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul Insaaka oo ay geysteen madaxda deegaanka. Warbixinadaas waxa ay durbadiina kiciyeen dibad baxyo baahay oo looga soo horjeeday xukunka caburinta ah ee Ina Ileey – mudaharaadyo uu isku dayey hoggaamiyaha deegaanka in uu cabsi galin iyo collaad ku muquuniyo.
Taas, waxa ay keentay in Ra’iisul Wasaare Ahmed dareemo in ay waajib tahay farogelintiisa, waxa uuna uu deegaanka u diray ciidamada difaaca Itoobiya 3-da bishii Agoosto. Nasiib darro, imaanshaha ciidamada Federal-ka waxa ay dhaliyeen xasarado.
Xoogagga Federal-ka waxa ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Omar ee Liyu-ga halka dad isaga daacad u ahaa ay weerareen ganacsiyo ay lahaayeen dadkii deggaanaa degaanka Soomaalida. Dhawr kanisadaha Itoobiya ee Orthodox-ka ee ku yaalay Jigjiga, caasimadda deegaanka ayaa la gubay.
Intaa waxaa dheeraa, in Omar uu isku dayey goosasho isaga oo adeegsanaya qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya, kaas oo u ogolaanaya ismaamul gobolleedyada xuquuq aayo ka tashi oo ay ka mid tahay gooni isu taag. Xaaladda waxa ay u muuqatay mid soo qaboobeysa kaddib maalmo qalalaase jiray, iyada oo ay gacan ku haynta caasimadda iyo magaalooyin kale oo deegaanka ah oo ay xasaraduhu ku baaheen la wareegeen ciidamada Federal-ka ah.
Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu khasbay in uu is casilo kaddibna waa xiray, waxaa bedelay madaxiii maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ee deegaanka Ahmed Abdi Ilkacase oo 32 jir ah oo noqday hoggaamiyaha KMG ah.
Hase ahaatee, isniintii, 13kii Agoosto, deegaanka waxa uu goobjoog u noqday xasarado kale kaddib markii Liyu Police-ka daacadda u ahaa Omar ay weerarro ka geysten xuduudda iyaga oo duullaan ku qaaday Bariga Ismaamul Gobolleedka Oromia, degmada Hararghe, waxa ay ku dileen ugu yaraan 40 ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada.
Hadda, la tacaalidda ciidamada Liyu-ga ee daacadda u ah hoggaamiyihii deegaanka ee la afgambiyey iyo xaqiijinta ammaanka dhammaan dadka deegaanka waa in ay noqoto ahmiyadda dowladda Federal-ka ah.
Hase ahaatee, si looga hortago collaad mustaqbalka fog ah, RW Ahmed waxaa qasab ku ah in uu raadiyo xal uu ku xasillonayo xiisadaha qowmiyadaha ee aan ku kobneyn deegaankan, laakiin Itoobiya oo dhan.
Baahida loo qabo Federal qaab cusub ah
RW Ahmed waxa uu ku qasban yahay in uu tixigalin siiyo dhacdooyikii dhawaa ee Soomaalida iyo Oromada gobolladooda ka dhacayey kana dhigto digniin oo uu bilaabo sidii uu uga shaqeyn lahaa meelmarinta is bedello lagu sameeyo qaab dhismeedka Federal-ka si ay uga caawiso hagaajinta xiriirka qowmiyadaha.
Federal-ka qowmiga ah ee ka jiray Itoobiya ilaa iyo 1995kii waxaa cad in uu ku guuldarreystay abuuridda jawi isu dulqaadasho oo ka dhex dhasha qowmiyadaha kala duwan ee dalka. Federal-ka hadda jira waxa uu muujinayaa dagaalka ku saleysan danaha is diidan ee u dhexeya qabiilada kala duwan waxa uuna xoojiyaa kicin halkii uu horumarin lahaa qiimaha wada noolaanshaha, midnimada iyo wadajirka.
Dastuurada gobollada sidoo kale waxa ay arintan ka ciyaaraan kaalin muhii ah.
Walow dastuurka Itoobiya ballanqaadayo muwaadi kasta xoriyaqadda dhaq dhaqaaqa dalka oo dhan, dastuurka gobollada waxa ay leeyihiin qodob kheexaya “Lahaansho” qabiilada deegaanka ku badan, marka laga reebo dastuurka loo dhan yahay ee deegaanka Amxaarada.
Qodobadaas natiijada ka dhalata, walow Itoobiya ay tahay dalka uu kala duwanaanshuhu asal u yahay oo ku wada noolaa meel walba oo dalka ka mid ah, marka ay kacdo xiisad qabaa’illo, muwaadiniinta dagan meelaha ay qowmiyadaha kale ku badan yihiin waxa ay halis ugu jiraan in loo arko in ay wadaan “Dhul ballaarsi” boobaya dhul ay qowmiyad kale leedahay.
Tusaale, markii ay Soomaalida ay Oromada ka soo eryeen gobolka Soomaalida, waxaa sabab u ahaa in ay dareemeen in Oromada ay qaab dhul ballaaris ah ugu noolaayeen kuwaas oo aan xaq la mid ah lahayd dadka kale. Dhacdooyin sidaas oo kale ah waxa ay ka dheceen deegaanada Benishangul Gumuz iyo Oromia, halkaas oo kumanaan Amxaara ah laga eryey dhulkoodii, isla sababtaas.
Waxaa taas dheer, Federal-ka salka ku haya qowmiyadaha waxa uu u ogolaanayaa xisbiga talada haya ee EPRDF ee ay ku bohoobeen qowmiyadaha is xifaaliya in uu u adeegsado xiisadaha qabaa’ilka in ay ku dheereystaan qorsheyaashooda siyaasadeed.
Maanta in badan oo Itoobiya ka mid ah ayaa aaminsan in nidaamkii hore ee dalka, xubnaha sar sare ee TPLF ay ka mid yihiin, in ay si toos ah ugu shidayaan ama u dheereynayaan dagaalada qowmiyadaha si ay u horistaagaan dowladda cusub dadaalka ay ugu jirto is bedel dhaca. Tani ma aha male aan sal iyo raad lahayn, gaar ahaan marka la eego sidii ay TPLF u taageertay ficiladdii Omar.
Ahmed waxa uu u baahan yahay in uu tallaabooyin adag qaado si uu uga hortago in mucaaradkiisa ay u adeegsadaan qaladaadka Federal-ka ku dhisan Qomiyadaha si ay ku huriyaan dagaalo qowmiyadeed. Sababtoo ah, xal u helidda baahiyaha u gaarka ah bulsho walba waa in ay Ahmed u dheeraataa hirgalinta qaab cusub oo uu is bedel weyn ugu sameeyo Federal-ka si uu u horumariyo xiriirka qowmiyadaha ee dalka oo dhan. Tani waa xalka qura ee looga maarmi karo xalka mar ku soo boodada ah sida midkii hada deegaanka Soomaalida ka dhacay si aysan u carqaladeyn qorsheyaasha is bedel ee ay inta badan Itoobiyaanku u riyaaqsan yihiin.
Ugu dambeyn, Ahmed sidoo kale waa in ku baraarugsanaado xasaradaha ay dadka dadka tirade badan sameeyaaan oo ay dagaal ka riixayaan qeybo ka mid ah da’yarta. Nasiib darro, falalka amni darro ee lagu arkay bartaha Itoobiya waxa ay muujineysaa in Ahmed iyo xulufadiisa aysan wali dowladda gacan buuxda ku hayn. Marka laga yimaado baahida loo qabo hirgalinta qab dhismeed xal u noqda xiisadaha qabaa’ilka, maamulka Ahmed waa in uu si mas’uuliyad ku dhisan u adeegsado awoodda dowladda si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida.
FG: U gaar ah Hadalsame Media
W/Q: Yohannes Gedamu oo ah Barre culuumta Siyaasadda ka dhiga Georgia Gwinnett College in Lawrenceville, GA, US.
Waxaa Turjumay: Mohamed Muse Aden oo Culuumta Siyaasadda ka barta Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho, Somalia.
Email: Muhamedkaafi@gmail.com
Hadalsame Media