Ethiopian Airlines oo bilaabaysa duullimaadyo toos ah oo Muqdisho-Adis Ababa ah

0

(Adis Ababa) 17 Agoosto 2018 – Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian ayaa ku dhawaaqday adeeg duulimaad oo toos ah oo u dhaxeyn doona magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa dhamaadka bishan, sida lagu daabacay Hiiraan Online.

Xuseen Xoosh oo u hadlay shirkadda Ethiopian Airways ayaa sheegay in ay bixin doonaan saddex duulimaad oo todobaadle ah oo u dhaxeyn doona Muqdisho iyo Addis Ababa, oo noqonaya adeegii ugu horeeyay oo ay shirkaddu bixiso laga soo bilaabo 1977dii.

Tan iyo wixii ka danbeeyay 1977-1978kii ma jirin wax duulimaad toos ah oo u dhaxeeyay labada magaalo waqtigaa oo ay dhaceen dagaalladii gobannimo doonka oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya la gashay dalka Itoobiya, balse weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka sharikadda Ethiopian.

Hadalsame Media