(Hadalsame) 17 Agoosto 2018 – Laba dhallinyaro ah ayaa dukaan usoo galay inay alaabooyin yar yar ka farataystaan, yeelkeede, 30 ilbiriqsi uun kaddib, waxay mahad ka muteen milkiilihii dukaanka ee ay u madadaalinayeen si ay u xadaan.
Sababtuna waa inay ka badbaadiyeen tuug iyaga ka han iyo halis waynaa oo doonayay inuu kaash ka xoogo milkiilaha, kaasoo ay u degeen xeelad aan kaliya ku daawan karto aflaamta akshanka ah.
Muuqaalka ay duubtay kaamirada amaanka ayaa dad badan soo jiitey kaddib markii booliisku soo bandhigay, waxaana ka muuqda laba dhallinyaro ah oo wiil iyo gabar ah oo dukaan usoo gelaya inay xadaan.
Balse, waxaa in yar kaddib qori rash ah lasoo gelaya mid tuug ah oo qori ku qabanaya milkiilihii oo ku maqnaa howl boojo ah oo ay u direen dhallinyaradii kale, yeelkeede, wuxuusan tuuggani ogayn inay dukaanka tuugo kale uga soo horreeyeen.
Waxaa la yaab leh, sida ay markiiba ilbiriqsi gudihii ku keeneen xeelad ay ku afgembiyeen tuugga qoriga ku hubaysnaa, waxaa se laga wer helayaa wiilkii oo u sallaxaya sagbadda lagu ordo, marka uu ku mashquulana waxaa ka dul imanaysa gabadhii oo inta dhulka la gasho qorigii ka qaadaysa ee markiiba u tuuraysa milkiilihii oo sidaa gacanta ugu dhigay tuuggii iyo qorigiisii.
Hadalsame Media