DAAWO: Ciidamada Cirka Ruushka oo ku faanay arrin ay adag tahay in la sameeyo!

0

(Moscow) 17 Agoosto 2018 – Waxaa soo baxaya muuqaallo laga duubay dayuuradda sida istaraatijiga ah wax u duqeeysa ee Tu-160 oo hawada shidaal lagu siinayo, xilli ay ku jirtey layli ciidan, wax loo arko arrin xitaa ku adag duuliyayaasha waaya aragga ah.

Muuqaalkan oo ay qaab faan oo kale ah u faafisay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka iyadoo adeegsanaysa hilinkeeda rasmiga ah ee Svezda TV, ayaa lagu arkayaa bomer-kan Tu-160 (oo ay NATO u taqaan – Blackjack) oo hawada shidaal uga qaadanaysa dayuuradaha shidaalka qaada ee Il-78.

Arrintan ayaa aad u adag, waana ka duwan tahay midda miigagga caadiga ah, maaddaama ay labada dayuuradood yihiin kuwo aad u culus, isla markaana ay khasab tahay inay xawaarohooda jimeeyaan, iyagoo weliba aad iskugu soo dhowaanaya, waxaana dhacay laba shidaal siin oo noocan ah, sida ay sheegayaan gaashaandhigga Ruushku.

Dayuuradahan wax garaaca ayaa jaray 8,000km (4,970 mayl), iyagoo kasoo duulay saldhig ciidan cireed oo ku yaalla koonfur galbeed Ruushka, ilaa Anadyr oo ku taalla Bariga Fog ee Ruushka, halkaasoo ay ka sameeyeen degitaankii abid ugu horreeyay ee Badwaynta Qaboow ee Arctic Ocean, iyagoo halkaa layli ka sameeynayay.

Hadalsame Media