Soomaaliya iyo Jabuuti oo wadahadlaya (Sababta)

0

(Mogadishu) 16 Agoosto 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti halkaas oo la filayo inay wadahadalo ku yeeshaan madaxda labada dal.

Mr. Farmaajo ayaa la kulmaya dhigiisa Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan masiirka labada dalka iyo kan gobolkaba.

Booqashada Madaxwaynhe Farmaajo ee dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xili dowladda Jabuuti dhawaan ka carootay dalabkii Madaxwayneha Soomaaliya ee ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabateynta xili Madaxwayne Farmaajo socdaal ku joogay dalka Eritrea.

Hadda waxaa la filayaa in labada dale e Jabuuti iyo Soomaaliya sii xoojiyaan xariirkooda islamarkaana laga wadahadlo waxa keenay carada Jabuuti, iyadoo sidoo kale ay jiraan warar la isla dhexmarayey oo sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya doonayo inuu dhex dhexaadiyo Jabuuti iyo Eritrea.

Jabuuti iyo Eritrea waxaa ka dhexeeya muran xaduudeed, iyadoo isku dhacyo dhiig ku daatay hore u dhexmareen labadaasi dal.

Hadalsame Media