(Torino) 16 Agoosto 2018 – Wesley Sneijder ayaa Champions League kula guulaystey kooxda Inter, balse wuxuu shaki ka muujiyay inay Juventus sidoo kale yeeli karto, xitaa haddii ay keensatay Cristiano Ronaldo.
Kooxda Bianconeri ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad cad ee loo badinayo inay qaadi karaan CL, ka gadaal markii ay soo qaateen CR7 oo kala soo wareegeem Real Madrid, iskaba daa Emre Can, Blaise Matuidi, Mirelem Pjanic, Paulo Dybala, Mario Mandzukic iyo Douglas Costa oo safkooda ka mid ah.
Yeelkeede, wiilkii 2010 seddexleeyda hantay ee Sneijder kama dhaadhacsana inay Juve soo afjari karto 22 sanadood oo ay sugaysay CL. “Sidaa ilama aha, waayo waxaa koobkaa ku jira kooxo Juventus ka xoog badan,” ayuu u sheegay beIN Sports.
“Kuma saabsan hal laacib waana ogtahay, dabcan Juventus wacdaro waa ka dhigtay Champions League sanadihii tegey. Balse hal laacib wax kasta ma bedeli karo ilaa aad ku guulaysato Champions League.” ayuu raaciyay waloow uu saadaaliyay in CR7 uu la qabsan doono horyaalka Talyaaniga.
Hadalsame Media