Koox ciyaartooydeedii ku bedelatey RIYO caana leh!! (Sabab la yaab leh oo ku jirta)

0

(Ankara) 16 Agoosto 2018 – Koox kubadda cagta dheesha oo Turkish ah lana yiraahdo Gulspor ayaa iska iibisay 18 dhallinyaro ah oo ciyaartooy ah, iyadoo soo iibsatey 10 riyood si ‘dakhli dheeraad ah uga helaan iibka caanaha riyahaasi’ taasoo ka tarjumaysa baahida muhiimadda 1-aad leh ee naadiga, sida ay qabaan.

Madaxwaynaha naadigan, Kenan Büyükleblebi, ayaa sheegay in qaadista tillaabadan ay keentay dhaqaale darro haysa kooxdan, maaddaama aysan kooxaha heerka hoose aysan dowladda Turkigu kab dhaqaale oo ku filan siinin, ama aysan iidhehyo ka helin sharikaadka gaarka ah.

Waa inaan helnaa dakhli joogto ah,” ayuu yiri Büyükleblebi oo la hadlayay CNN Turkey.

Naadigan ayaa 15,000 oo Liiraha Turkish-ka (qiyaastii $2,600 oo doollar) ka helay iibka 18-ka dhallinyarada waxayna filayaan inay ilaa 5,000 oo Liire ($863) oo faa’iido ah ka heli doonaan iibinta caanaha, si ay ugu daboolaan kharashaadka naadiga.


Hadalsame Media