(Mogadishu) 16 Agoosto 2018 – Ciidamada Hawlgalka Midawga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo loo soo gaabiyo AMISOM ayaa shaacay ka qaaday inay ka billaabeen hawlgalo millitari oo cusub waqooyiga gobolka Shabeellada Hoose.
Hawlgalladan oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey tuulooyin dhawr ah oo u dhaxeeyay Balcad iyo Afgooye ayaa sii xoogeystay markii ciidamo katirsan kuwa Maraykanka ay billaabeen duqeymo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Deegaanada ay saameeyeen hawgaladaani waxaa ka mid ah tuulada Basra iyo nawaaxigeeda halkaas oo dad rayid ahna ay guryahooda isaga firxadeen.
AMISOM ayaa wacad ku martay in iyadoo kaashanaysa ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab ka sifeyn doonto meelaha ay ka joogaan gobolka Shabeellada Hoose.
Yeelkeede, waxaa inta badan lagu eedeeyaaa Ciidamada AMISOM inay iska yuuraraan fariisimahooda aysana ka kabixin marka laga reebo xiliyada ay isu gudbinayaan sahayda.
Al-Shabaab, ayaase joogteysay weerarada ay ka gaysanayso gobollada Shabeelooyinka.
Hadalsame Media