Kadib 41 sanno, Duullimaadyadii Muqdisho iyo Addis Ababa oo………

0

(Mogadishu) 16 Agoosto 2018– Diyaaradda National Airways oo looga leeyahay dalka Itoobiya ayaa kadib 41 sanno billaabaysa duullimaad ay ku sameynayso Magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa la filayaa in National Airways isaga kala gooshto Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa asbuuca soo socda sida laga soo xigtay madax ka tirsan diyaaraddaasi.

National Airways ayaa markii hore loo aqoon jiray Air Ethiopia waxaana la filayaa in sadex jeer ay asbuuciiba timaado Muqdisho sida uu sheegay Hussein Hosh oo ah maamulaha diyaaraddan.

Dowladda Itoobiya ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadeedii rayidka iyo kuweedii ganacsi ee Soomaaliya imaan jiray wixii ka dambeeyey dagaalkii labada dal ee 1977.

Hadalsame Media