(Milano) 15 Agoosto 2018 – Garabka bidix ee Genoa, Diego Laxalt oo uu wehliyo wakiilkiisa Ariel Krasousk, ayaa hadda dhow soo gaarey hoteelka Westin Palace Hotel, oo aalaaba kusoo degaan laacibiinta kusoo biiraya AC Milan.
“Waa mahadsan tihiin, waa faraxsan ahay,” ayuu laacibku u sheegay hilinka Sportitalia kahor inta aanu caafimaadka berri u marin kooxda Milan.
Laacibkan 25-jirka ah oo ay hadalhayntiisu shalay uun bilaabatay ayaa ku imanaya lacag dhan €18m oo kala ah €14m oo lagu daray €4m oo oo bareemiyo ah, wuxuuna laacibkani ka dheeli karaa boos kasta oo dhank bixid ah, min dadab daafac ah, nus garab dhexe, garab bidix oo dhexe, ilaa dadab weerar ah.
Sanadkii tegey, wuxuu Laxalt dhaliyay 4 gool isagoo dhiibey 6 gool 34 kulan oo uu u saftay Genoa.
#Milan, ecco #Castillejo: giocatore in arrivo dal #Villareal atterrato ora a Milano, domani le visite mediche. “Sono molto felice”: le prime immagini e le prime parole su @SkySport e @DiMarzio #calciomercato pic.twitter.com/5FTMtEpJmN
— Marco Bovicelli (@MarcoBovicelli) August 15, 2018
Sidoo kale, waxaa isla gooe dhow Milano kasoo degey garab weerarka Samu Catilejjo oo ka yimi dhanka Villareal ee dalka SPAIN, waxaana berri ay labada laacib caafimaadka ku marayaan La Madonnina.
Castillejo oo ah 23-jir u dashay dalka Spain, kuna dheela lugta bidix ayaa badanaa kasoo gala garabka midig ama bidix, wuxuuna Milan ugusoo wareegay €19m oo euro.





Hadalsame Media