UEFA SUPER CUP: Wax kasta oo aad uga baahan tahay kulanka Real Madrid vs Atletico Madrid

0

(Tallinn) 15 Agoosto 2018 – Waxaa caawa la ciyaarayaa koobka Uefa Super Cup kaasoo garoonka Le Coq Arena, Tallinn, ku dhexmaraya labada koox ee reer Madrid ee Real iyo Altetico de Madrid, iyadoo 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu koobkani u ekaaday sida midka Spain laga dhigo.

Yeelkeede, waxaa garoonkan caawa loogu yeeri doonaa Lillekula Stadium, taasoo ay ugu wacan tahay wax ka khaldan xeerarka iidhehda iyo UEFA oo is qaban la’, iyadoo garoonkan oo sidoo kale martigeliya xulka dalkaasi ee Estonia uu qaado 15,000 oo qofood.

CAQABADDA….

Maxalli ahaan, Real Madrid waa liiqliiqataa marka ay wajahayso kooxda Diego Simeone, sanadihii dambe, iyadoo mar qura ka badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhanka La Liga, waloow Los Blancos ay Atleti uga raysay Champions League sanadihii 2015, 2016 iyo 2017.

Waxaa dheer Los Rojiblancos  marnaba Real Madrid ugama badin dhamaadka koob Yurub ah, ama kama reebin tartan Yurub ah.

WARKA REAL

Luka Modric ayaa kulankii ay Sabtigii Real Madrid la ciyaartay AC Milan kaydka kusoo bilowday, waxaana dhici karta inuu markale kaydka ku bilowdo, dhanka goolka Keylor Navas ayaa weli fooska ka xiga Thibaut Courtois.

Atletico oo iyaduna Sabtigii la ciyaartay Inter ayaa la arkayay inuu macallin Simeone uu safay koox adag. Waxaa kaliya 11-ka safka hore ka maqnaa Antoine Griezmann, balse kulankan waxaa la filayaa inuu soo noqdo.

EEGISTA CIYAARTA….

Labadan kooxi waa deris is yaqaanna, balse waloow uu derby-ga Madrid uu haatan ka mid noqday kulamada adag ee Yurub, misna kulanka Real Madrid iyo Atletico inta badan sooma saaro ciyaar qurxoon oo lagu raaxaysto.

Shaxaha suurtagalka ah:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Isco; Bale, Benzema, Asensio.

Maqan: Vallejo (muruqa), Odriozola (xajiyaha cajirka)

Atlético Madrid: Oblak; Juanfran, Godín, Giménez, Filipe Luís; Koke, Saúl, Rodrigo; Lemar, Griezmann, Costa.

Maqan: Qofna

Hadalsam Media