SAWIRRO CUSUB: Qoys dhan oo aan qofna ka harin & wixii ka khaldanaa buundada Morandi

0
genoa victims

(Genoa) 15 Agoosto 2018 – Qoys ka kooban 3 qof ayaa ka mid ahaa dad ay mar qura la go’day buundo ku taalla magaalada Genoa ee woqooyi galbeed Talyaaniga, halkaasoo ay ku xijaabteen 35 qofood in kastoo uu wasiirka guduhu sheegayo inay 40 gaari karaan, iyadoo dadka ay dishay fogaanta ay ka dheceen oo ay kaddibna ka dul yimaadeen birihii aastada ahaa oo qalqalloocan, birihii tareenka iyo shubkii buundada, kuwaasoo dhulka ku malaasay baabuur badan oo ku dhacay webiga hoose.

Roberto Robbiano, xaaskiisa Ersilia Piccinino, iyo wiilkoodii yaraa ee 7 jir ahaa ee Samuel ayaa wada dhintay kaddib markii uu gaarigu kala soo dhacay fogaan 150 cahood, kaddib dumistii buundada 50-jirka ah ee Morandi,, shalay markii ay saacaddu ahayd 11.30am.

Buundadan ayaa waxaa loogu magac daray injineerkii naqshadeeyay ee Riccardo Morandi, waxaana la sheegay in laga ilduufay dhowr fursadood oo lagu dayactiri lahaa buundadan gabowga ah, waxaana dadka kale ee la bar gartay ay ka mid yihiin, Luigi Matti Altadonna, 35 jir, wadey gaari van ah iyo Mirko Vicini

Hadalsame Media