(Ankara) 15 Agoosto 2018 – Dowladda Qadar ayaa $15 bilyan oo doollar oo maalgelin toos ah u ballan qaaday inay geliso suuqyada ganacsi iyo bankiyada Turkiga, sida lagu sheegay war lagu faafiyay webka madaxwaynaha Turkiga ee oo kulan la qaatay amiirka Qadar ee Emir Tamim bin Hamad Al Thani.
Tillaabadan ayaa imanaysa heer uu Liiraha Turkigu gaarey halkii ugu hooseeysey marka lagu sarrifo doollarka Maraykanka, kaasoo ka timid go’aan qar iska tuurnimo ah oo uu qaatay madaxwaynaha Maraykanka Trump.
Qatar pledges $15bn of direct investments in Turkey – Ankara https://t.co/LZ7m2EecoG
So Qatar rides to the rescue in Turkey’s currency crisis.
Qatar, Turkey & Iran strengthening alliances, versus Saudi Arabia & the other GCC Gulf States. pic.twitter.com/GSnyevo4RZ— Ian56 (@Ian56789) August 15, 2018
Saraakiisha Turkigu ma bixinin xogo dheeraad ah oo ku saabsan dabeecadda maalgelintan, iyadoo sida ay faafisay AP ay arrrintani tahay ballanqaad uu sameeyay hogaanka Qadar ee Al Thani.
Turkiga iyo Maraykanka ayaa isku haysta wadaad Masiixi ah oo la yiraahdo Andrew Brunson oo Ankara ugu eeday argagixisannimo, isagoo wajaya xabsi 35 sano ah kaddib door la sheegay inuu ku lahaa afgembigii dhicisoobey 2016-kii.
Turkiga ayaa isagoo ka jawaabaya weerarka dhaqaale ee Maraykanka cirka ku tolay tarriifooyinka laga qaado badeecooyinka Maraykanka sida tubaakada, aalkolada, baabuurta, waxyaabaha la isku qurxiyo iwm, waxay sidoo kale qaaddeceen agabka elektaroonigga ah sida Apple iyo iPhone.
Hadalsame Media