DAAWO: Weriye Ingiriis ah oo Twitter-ka looga jeex jeexay (Maxaa lagu maagay?)

0

(London) 15 Agoosto 2018 – War akhriye ka tirsan hilinka ITV ayaa lagu tilmaamay nin aan dareen iyo insaaniyad lahayn, marka la eego qaab jeesto oo kale ah oo uu furay qodob ku saabsanaa shilkii lagu le’day ee shalay ka dhacay buundada ku go’day magaalada Genoa, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qofi.

Ninkan oo akhriya warka News at Ten lana yiraahdo Tom Bradby ayaa dadkii af kala qaad ku ridey kaddib markii uu daawatada waydiiyay inay ”abid ka fikireen inay go’i karto buundo ay saaran yihiin” isagoo ka wada Morandi Bridge.

51-jirkan, oo dhowaantan kasoo laabtay fasal 4 bilood ah, kaddib markii uu ka sheegtay hurdo la’aan, ayaa warka ku furay: ‘Imisa jeer ayaannu dhamaanteen baabuur ku wadnaa meel buundo ah? Weligaa makugu soo dhacday, inay kaa hoos bixin karto buundado?” Hagaag sidaasi waxay ka dhacday Genoa, weliba iyadoo wadata cawaaqib ba’ iyo hoog ah.”

Daawatadii ayaa deeto arrintii aad u qaadaa dhigay, iyagoo wax laga yaqyaqsoodo iyo dareen la’aan ku tilmaamay qaabka uu warka u sheegayay weriyaha, iyadoo aan dabcan lagu haysanin inuu run yahay warka uu sheegayo, balse lagu haysto qaabka jeesjeeska oo kale ah oo uu u dhigayay sidii inuu sheegayo war caadi ah.

”Cinwaanka warkani wuxuu u egyahay sidii in la sheegayo film hit ah oo Hollywood ah” ayuu qof soo qoray, iyadoo ay qaarkood soo jeediyeen shaqada laga joojiyo.

Hadalsame Media