(Verona) 15 Agoosto 2018 – Unugyo ka tirsan ciidamada ka hor tagga argagixisada ayaa loo daabulayaa garoonka ay fiidnimada Sabtiga soo aaddan ku ballansan yihiin kooxaha Chievo iyo Juventus ee todobaadka horyaalka Talyaaniga ee Serie A, si loo adkeeyo amaanka Cristiano Ronaldo.
Wakaaladda wararka ANSA ayaa faafinaysa in tillaabadan oo aan abid horay loo qaadin, ay ku qotonto danaynta dheeraadka ah ee caalamiga ah ee ka dhalanaysa joogista CR7 ee gegada Bentegodi.
Waxaa garoonka la gayn doonaa waaxaha gargaarka iyo gurmadka deg degga ah ee SOS, unugyo ka tirsan booliiska Carabinieri iyo Uopi della Polizia oo ah booliis si gaar ah u tababaran oo rigli ku ahaan doona Bentegodi Stadium.
Waxaa jiri doona roondooyin ay samayn doonaan, iyagoo si gaar ah ula socon doona dhadhaqaaqyada garoonka iyo magaalada Verona, iyagoo isha la raaci doono haddii ay arkaan bartilmaameedyo tuhun dhalin kara oo mudan in tillaabo amaan laga qaado.

Hadalsame Media