
(Ankara) 14 Agoosto 2018 – Wasiirka Dibadeedka Ruushanka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in doorka uu doollarka Maraykanku ka ciyaaro dhaqaalaha dunidu uu is dhimi doono, maaddaama ay dalal badani haatan u wareegayaan lacagohooda maxalliga ah.
“Ku tumashada uu Maraykanku ku siyaasadaynayo doollarkiisa oo ay dunidu haatan u isticmaasho kayd ahaan, waxay keenaysaa inuu doorkiisu daciifo,” ayuu yiri Lavrov oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu hadda dhow Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu.
Foreign Minister #Lavrov’s participation to 10th Ambassadors Conference is the indication of high level relationship between #Turkey–#RussianFederation. Sincere thanks to my distinguished friend Sergey for sharing his views & experiences with our Ambassadors #BKON2018 pic.twitter.com/Mp1J0BKIKc
— Mevlüt Çavuşoğlu (@MevlutCavusoglu) August 14, 2018
“Waxay keenaysaa inay dalal badan oo aysan xitaa saamaynin cuna-qabataynta Maraykanku ay iskood u miciin bidaan oo ku tiirsanaadaan lacagohooda maxalliga ah,” ayuu raaciyay Lavrov.
Lavrov ayaa hoosta ka xarriiqay in cuna-qabataynta Maraykanku iska soo rogo, sida midda haatan lagu weeraray Turkigu, ay wiiqaysi xeerarka u yaalla ganacsiga caalamiga ah, isagoo sheegay inaysan sii socon karin siyaasadda Maraykan ee ku dhisan kaa xoog waynidu.
“Horayna waan uga hadlay cuna-qabataynadan: waa sharci darro, waxayna wiiqayaan dhamaanba xeerarka ganacsi iyo mabaadii’da ay meel marisay QM, kuwaasoo qeexaya in aanu dalna kaligii iska gaari karin go’aan aan loo dhamayn,” ayuu ku dooday Lavrov.
Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa isna dalalka kale ee Yurub uga digay inay qabsan karto waxa Turkey ku dhacay: “Maanta, cuna-qabatayntan waxaa la saaray Turkey, berri waxaa loo adeegsan karaa dal kale oo Yurub ah. Haddii uu Maraykanku doonayo in uu xushmad ku yeesho fagaarayaasha caalamka, waa daruuri inuu isna xushmeeyo danaha dalalka kale,” ayuu yiri Cavusoglu.
Hadalsame Media