(Mogadishu) 13 Agoosto 2018 – Xubno muhiim ah oo ka tirsan ONLF ayaa gaarey Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya saacadihii ugu dambeeyey sida ay sheegayaan ilo-ogaal ah.
Xubnahaan waxaa ka mid ah sida la sheegay Afhayeenka Jabhadda ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge Caddaani iyo labo xubnood oo kale kuwaasi si diiran loogu soo dhaweeyey Addis Ababa.
Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in sababta ay u tageen Addis Ababa ay tahay inay ka jawaabaan baaqii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Cabeey Axmed.
Xubnahan ka socda ONLF ayaa la filayaa inay tagaan magaalooyinka Jigjiga iyo Diri-dhawa, si ay uga qeyb qaataan dadaalada nabadeed ee gobolkaasi ka socda.
Waxay ku soo beegmaysaa xili dhawaan baarlamaankaItoobiya liiska argagixisada ka saaray Jabhadihii mucaaradka ahaa oo ay ONLF ka mid tahay.
Tagitaankooda ayaa ku soo beegmaya sidoo kale xili Shalay ONLF ku dhawaaqday xabad joojin iskeed ah.
Dadka ka faalooda arrimaha gobolka ayaa aaminsan in isbedeladaani qeyb ka yihiin balanqaayaddii RW Cabeey Axmed.
Hadalsame Media.