(Mogadishu) 13 Agoosto 2018 – RW Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago dhalinta Soomaaliyeed guud ahaan meel walba oo ay dalka ka joogaan waxaana intii khudbadiisa lagu jiray uu sheegay dowladdiisu shaqaleysiinayso 1000 dhallinyaro Soomaaliyeed
Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku booriyey in uu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo.
“Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
“Xornimada aan haysanno waxaa keenay dhallinyaro la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen. Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale aysan hurdada ka kicin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
“Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala simanyihiin in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar ah” ayuu munaasabadda ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha XFS.
Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada intiisa kale waxaana xaaladan dalka ka saari kara dhalinta caafimaadka qabta kana badbaaday qabyaalada iyo jahli.
Hadalsame Media