Caga badan kuma taagna sii joogista Pogba ee Man Utd (Waa tan sababtu)

0

(Manchester) 13 Agoosto 2018 – Laacibka khadka dhexe uga dheela Manchester United ee Paul Pogba ayaa muujiyay inuusan ku faraxsanayn ka hoos ciyaaridda Jose Mourinho.

Macallin Mou ayaa Pogba ka cunay labada lugood ee ciyaartii wareegga 16-ka ee ay United Champions League kula ciyaartay Sevilla fasalkii hore, waxayna taasi keentay in lala xiriiriyo Barcelona iyo ku noqoshada Juventus.

“Haddii aanad faraxsanayn, bandhig wanaagsan ma samayn kartid. Marka aad ogtahay inuu qof kasta kula jiro oo dagaalka kugula jiro, sheekadu waa sahlan tahay,” ayuu laacibkan oo hantay KA2018 u sheegay BBC Sport.

“Waxaa se jira waxyaabo aanan sheegi karin, haddii kale waa la i ganaaxayaa. Xaaladdu halkan la mid ma aha middii xulka Faransiiska,” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media