(Hadalsame) 09 Agoosto 2018 – Oromada iyo faafkeeda bariga u socda, boobka iyo sheegashada dhulka Soomaaliyeed, Isir gumaadka aan kala sooca lahayn ee ay raalida uga yuhiin madaxda sare ee dowlada Ethiopia iyo gaabiska madaxda dowlad deegaanka Soomaaliyeed anigu waan ka hadlayay 10-kii sano ee u dambeeyey.
Majirto kilil ay faro geliso dowladda dhexe oo ay madaxdooda kala badasho ama awood ciidan ku muquuniso oo aan ahayn kan Soomaalida, mana soo marin dowlad deegaanka Soomaalida hogaamiye aragti dheer oo dadkiisa isku duubi kara waayo fursad ba looma siinnin dhulkana waa ka qaxeen aqoonyahankiisii indheergaradka ahaa iyagoo gunnimo u arka inay madax ka noqdaan nidaam hoos imanaya dowlad xoog ku haysata dhulkoodii.
Sidaas oo ay tahay damiirka iyo dareenka ummadu waa uu nool yahay waxaanay waayeen hogaan uga faa’ideeya fursadihii dahabka ahaa ee soo maray oo ay imika tii ugu weynaydi taagan tahay.
Dhulka waxaa weligiiba ka talinayay qori iyo cabudhin waxaana ka hawl galay arday iyo macallinkiisii, maantana laba daaqadoodbaa ku furan deegaanka.
Baahi ayaa loo qabaa is bedel sidii waligeedba loogu qabay, codsiga iyo halganka is bedel doonimadu maaha HEBEL lagu BEDELAYO HEBEL. Mana aha oo ma suurta galayo mid xornimo iyo madaxbannaani ah xilligan. Taasi waa in la liqo in dhulku sidiisii uga mid ahaan doono Ethiopia laakiin loo baahan yahay maadaama ay arrintaasi khasab tahay in laga mid ahaado Ethiopia iyadoo dhulkii Soomaalida gacanta lagu hayo, dadkeenu sharaf iyo nabad ugu noolaadaan islamarkaana la siiyo xaqooda xornimo iyo aragtidooda.
ISBEDDELKA LOO BAAHAN YAHAY WAA:
B: In deegaanku ka xoroobo faragelinta dowladda dhexe ee badhitaaraysa Oromada duullaanka ah.
T: Mideynta dadka Soomaalida ee saddexda gees u qeybsan.
In ONLF soo debecdo oo Federalka ah shisheeyaha ah ba waa la fadhiistaane madaxda deegaanka iyo cuqaasha la kulmaan si waxa loo wada leeyahay loo badbaadsado.
J: In Soomaalida Oromada la safan ee gaadhsiiyay Oromadii dalkeena sheeganaysay inay dadkeena sheegtaan ee ku hadaaqaya annagoo Oromo ah ayaa idiin dooranayna nin reer hebel, waa ay joojiyaan kursi raadinta iyo horgalnimada islamarkaana walaalahood gacmaha qabsadaan, qolyahan kalena laabta u furaan.
X: In markaa kadib iyadoo la mideysan yahay lala xaalo islamarkaana lala fadhiisto Oromada oo waxay rabaan lala qaato.
Qolyaha is leh Cabdi oo la tuuro ayaa guul ah waxaan u sheegayaa in deegaanku cabdiyoobay oo arrintan socota ay soo celisay yiddidiilo Cabdiyaysan maadaama wax ka weyni yimi, sidaa darteed nidaamka Cabdiyaysan way adag tahay in uu jabo, waayo lama beddeli karo dowlad dhan oo kan u sarreeya iyo kan hooseeyaba Cabdiyaysan yahay, haddaad caqli haysaan abuura jawi raali laga yahay oo kayimid dadka dhexdiisa.
Rag ku yimid badhitaar Oromo iyo federaal-kaashi deegaanka kama gadmayaan xalna dhulka uma aha.
Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir
FG: Qoraalkani wuxuu xambaarsan yahay aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media