(Hadalsame) 09 Agoosto 2018 – Eraygan, waxaa loo adeegsadaa marka Neef Ari ah, waliba kan Dheddig, intuu argoodo uu Xeradii ka baxee mid kale u argood tago.
Sidaas waxaa maanta iyo Maan kasii horreysay ba ka dhignayd Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Dorraad, Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga oo xiriirkoodu xumaaday ayaan iska dhex galnay, shalay Sweden iyo Sacuudiga, maantana Canada iyo Sacuudiga.
Sida madax Soomaali ah iyo dad iga aragti duwan ay ku doodayaan, Soomaaliya waxay Ollog gobol ( Regional Ally) la tahay Sacuudiga sidaas darteed ayey siyaasad ahaan waajib ku tahay inay la safato, laakiin QATAR iyo Sacuudigu markey isku dhaceen waajibkaasi dusha lama saarane meel dhexe ayaa ,sida la yiri, la dhigay!!.
Horta Adduunku sow Dan kuma dhisna oo Dowladuhuna tooda ma ilaashadaan. Haa ba e’ ,wax aan taas ku beddelannay oo maanta naloo sheegi karaa ma jiraan…mid Dhaqaale, tu Diblomaasiyadeed iyo…..?, yaa se wali arkay Sacuudiga oo cambaareeyey Dowlad kale oo arrimaha gudaha ee Soomaaliya soo faragashatay.?
Maxaase ku jaban haddii aan ka gaabsanno muranada xagga diblomaasiyadda ah ee Dowladaha kale ka dhex dillaaca.?
Dib ha loo qaabeeyo Siyaasaddeena Dibadda, haddii kale ha iska dhoodaasho awal ba Waxar dhali ma jirine.
Waa aragtideyda.
Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Nero
Hadalsame Media