DAAWO: Sucuudiga oo ”sharci” ku tilmaamay xasuuq uu u gaystay carrruur Yamani ah!!

0

(Riyaad) 09 Agoosto 2018 – Isbahaysiga uu Sucuudigu horkacayo ayaa jabhadda Xuutiga ku eedeeyay in sida ay yiraahdeen ay carruur u adeegsanayaan qorshe dacaayadeed, jeer lagu eedeeyay inay Sacda ku duqeeyeen dad rayid ah, iyadoo ay ICRC ku baaqday in la ixtiraamo ballamada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

War lasoo mariyay Wakaaladda Wararka SPA, ayay Sucuudiga iyo xulufadiisu ku sheegteen inay duqaymaha ka dhacay Sacda, loola dan lahaa bartilmaameedyo gantaalo looga soo rido Jiza, oo ah koonfurta Sucuudiga.

“Weerarkii maanta ee Sacda wuxuu ahaa howlgal millateri oo sharci ah… Waxaana lagu xaqiijiyay xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka,” ayuu yiri Gaashaanle Turki al-Malki oo ah afhayeenka isbahaysiga Sucuudiga.

Hadalsame Media