(Washington DC) 09 Agoosto 2018 – Maamulka baaxaa degga badan ee Donald Trump ayaa soo wada isku day cusub oo ay ku beegsanayaan 20 milyan oo si sharci ah iminka ku deggan dalkaasi Maraykanka, sida uu faafiyay hilinka MBC News.
Hindise-sharciyeedkan oo lagu tilmaamay mid xag-jir ah ayaa kasoo fuley Stephen Miller oo taliye sare ka ah Aqalka Cad. Hindisaha Miller ayaa aad u adkaynaya in la helo dhalashada Maraykanka ama xitaa Green Card, waxaana asbaabaha loogu diidayo oo la yaab leh ka mid ah:
Dadka ka faa’iidaysta barnaamijyada kaalmada bulshada (cayrta), Obama Care, caymiska caafimaadka carruurta, kaalmada cuntada (Food Stamps), iwm.
Arrintan ayaa saamayn doonta dad badan oo si sharci ah ku jooga Maraykanka, kuwaasoo ay ugu horreeyaan Soomaalidu, waxayna warbaahinta Maraykanku arrintan ku tilmaantay wax lagu qoslo, maaddaama qof dembi looga dhigayo inuu sameeyay wax sharciyan uu xaq u leeyahay.
Hadalsame Media