(Dallas) 09 Agoosto 2018 – Dagaalka uu Youtube ku qaaday koontada Alex Jones oo ah nin ka hadla afkaaro-dhagareedka ee Infowars ayaa dood ka abuurtay baraha bulshada, iyadoo dadka aan la dhacsanayn qaabka uu dadka u kiciyo oo ay been badani ka buuxdo ay ku farxeen in la faaf reebo xogaha uu ku gudbiyo internet-ka.
Yeelkeede, kuwa taageersan ayaa qaba in qayladii dhacay uu khayr ugu jirey, waayo wuxuu helay 6.5 milyan oo subscribers muddo 48 saacadood ah, dhanka webka.
Jones iyo maxaddada uu ku gudbiyo dacaayaddiisa raacsan siyaasadda midigta fog ee Infowars, ayaa 6-dii bishan laga cirib tiray YouTube, Facebook, Apple, LinkedIn, Spotify, Stitcher, iyo Pinterest, iyo meelo kale.
Waxaana dad badani dood ka keeneen arrinta ay ku dhaqaaqeen camaaliqooyinka baraha bulshada oo inta badan ku sheekeeya inay ka madax banaan yihiin arrimaha siyaasadda, kuwaasoo lagu haysto faaf-reebka ay ku sameeyeen aragti-dhagareedka Alex Jones oo inta badan ku kacsan nidaamka fadhiya.
“Infowars waxay heshay booqdayaashii ugu badnaa ee ay abid hesho – 5.6 milyan booqde oo cusub 48 saac ee ugu dambeeyay – waxaa sidoo kale ahaa radio show-gayga,” ayuu Jones u sheegay Daily Mail.
Facebook, Apple, YouTube/Google, Spotify are ostensibly 4 diverse independent actors acting together.
Coordinated corporate action like this is a serious problem that has nothing whatsoever to do w/ the various peculiarities of the target here.
What are we seeing? What is this? https://t.co/FEHWB6cwum
— Eric Weinstein (@EricRWeinstein) 6 augusti 2018
Hadalsame Media