(London) 07 Agoosto 2018 – Waloow lambarka rasmiga ah la heli doono 17 Agoosto, misna Serie A wuxuu durba sanadkan farraqay adduun lacageed oo ka badan middii uu bixin jirey.
Sida lagu daabacay warsidaha Marca, horyaalka Talyaaniga oo weli haysta 10 beri oo uu suuq-xagaagu sii furnaanayo ayaa ilaa hadda bixiyay 1.020 bilyan oo euro, wuxuuna wax yar ka hooseeyaa EPL oo bixiyay 1.131 bilyan oo euro, wuxuuna Serie A sidaa ku jebin karaa rikoodhkii sanadkii hore oo ahaa 1.037.7 bilyan marka la eego laacibiinta ay weli doonayaan.
Hoos ka arag 5-ta horyaal ee Yurub ugu waawayn, lacagaha ay ilaa haatan bixiyaan iyo xilliyada ay suuqyadoodu xirmayaan.
KALA SARREEYNTA…
Premier League (xirmaya 9 Agoosto) – 1.131 bilyan ayuu ilaa haatan bixiyay
Serie A (xirmaya 17 Agoosto) – 1.020 bilyan ayuu ilaa haatan bixiyay
La Liga (xirmaya 31 Agoosto) – 676 bilyan
Bundesliga (xirmaya Agoosto 31) – 440 bilyan
Ligue 1 (xirmaya 31 Agoosto – 387 bilyan.
Hadalsame Media