(Noel) 07 Agoosto 2018 – Wiil Soomaali ah oo ku noolaa magaalada Noel ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa wuxuu si faj’a ah ugu dhintay halkaasi.
Sida ay sheegeyso warbixinta ay bixisay Waaxda Roondada Jidadka Waawayn ee Missouri State Highway Patrol, Jowhar Muhumed, oo 27 jir ahaa, ayaa isku dayayay inuu ka hoos xaluusho tareenka oo markaasi xadiidka South Railroad Street ee magaalada Noel.
Waxayna warbixintu intaa raacinaysaa, inuu tareenku si hal-haleel ah mar qura u dhaqaaqay, isagoo sidaa ku jiiray wiilka. ”Waxaa la sheegay inuu tareenku shaarkiisa meel ka qabsaday” ayuu yiri Sheekha oo isla magaaladaa deggan oo Hadalsame wax ka waydiiyay geerida wiilkaasi.
Maxamed ayaa isla goobta ku geeriyoodey, waana shilkii 70-aad ee geeri sababa ee magaaladaa yar ka dhaca 2018.
Hadalsame Media