MIDDI MIDDI KU TAAG: ”Shirkaddii Yurub ah ee qaadata amarka Maraykanka waan ciqaabaynaa” – Midowga Yurub

0

(Brussels) 07 Agoosto 2018 – Sharikaadka reer Yurub ee la macaamila dalkaasi Iiraan ayaa mar dhow wajahaya xaalad laba daran mid dooro ah, waayo haddii ay aqbalaan cunaqabataynta Maraykanka, waxay cunaqabatayn kale kala kulmi karaan Midowga Yurub, sida laga soo koobiyay Federica Mogherini, oo ah haweenayda siyaasadda dibedda u qaabilsan EU.

“Haddii ay sharikadaha EU ay addeecaan cunaqabatayn labaadka Maraykanka ee Iiraan, waxaa taa beddelkeeda iyaga cunaqabatayn doona EU,” ayaa laga soo xigtey Nathalie Tocci oo iyadoo xogtan bixinaysa la hadlaysay BBC Radio 4.

Sida ay qabto Tocci oo u dhuun daloosha siyaasadda caalamiga ah, waxay tani muujinaysaa inay Yurub daacad ka tahay in la ilaaliyo heshiiskii Nukliyeerka ee ay reer Galbeedku Iiraan la galeen 2015-kii, kaasoo uu ka baxay madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump oo ay adeegsanayso Israel.

Trump ayaa Isniintii ku falax gooddiyay: “Qof kasta oo xiriir ganacsi la sameeysta Iiraan, lama ganacsan doono Maraykanka” – Taasoo ka caraysiisay EU oo aan awalba la dhacsanayn siyaasadda Trump.

Dibad baxayaal reer Iiraan ah oo ka dhiidhinaya ka bixitaanka heshiiskii Nukliyeerka ee Donald Trump

Hadalsame Media