(Roma) 07 Agoosto 2018 – Hilinka caanka ah ee ESPN ayaa qaatay xuquuqda tebinta horyaalka Serie A-da Talyaaniga ee dalkaasi Maraykanka, kaddib markii uu Lega Serie A la gaarey “heshiis sanado badan ah”.
Horyaalka Talyaaniga ayaa kasoo kabanaya hingo’ ku dhacday sanadihii dambe, gaar ahaan dhanka soo jiidashada danaynta daawatada adduunka, waxayna tani ka mid tahay astaamaha wanaagsan ee muujinaya wejiga cusub ee Serie A.
ESPN oo “heshiis sanado badan ah” la galay Serie A, ayaa ciyaaraha Talyaaniga ee heerka 1-aad ka sii dayn doona ESPN iyo ESPN+ oo baahin doona wax ku dhow 40 kulan sanadkiiba, iyadoo ay ciyaarta ugu horreeysaa noqonayso Chievo vs Juventus.
Hadalsame Media