DAGAALKII XIDDIGAHA: Maraykanka oo ku dhawaaqay inay samaysan karaan ciidamo ka dagaallama CIRKA FOG! (Daawo)

0

(Washington DC) 07 Agoosto 2018 – Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka ee James Mattis ayaa ka dhawaajiyay in Pentagon ay madaxwayne Donald Trump ku raacsan yihiin in la sameeyo ciidamo farac cusub ah oo ka dagaallami kara Cirka Fog (Space Force).

“Waxaannu u baahan nahay inaannu ka hadalno samaynta ciidamo dagaal, talis dagaalna waa wax aan aasaasi karno,” ayuu Mattis warfidiyeenka u sheegay goor dhowayd, isagoo tibaaxay in Pentagon uu “si buuxda arrintaa ula qabo” Trump, si buu yiri loo ilaaliyo hantida Maraykanka ee Hawada Sare.

“Waxaan rabnaa inaannu arrintaa eegno, waayo waxaa jira dalal kale oo awood u leh inay weeraraan, hantideennaas,” ayuu raaciyay, isagoo u duur xulaya Ruushka.

Hadalsame Media