(London) 07 Agoosto 2018 – waxaa soo xoogeysanaya cabsida ay qabaan shrkadaha beeraha ee Britian taas oo saleysan shaqaalo la’aan.
Midowga Beeraleeyda ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya beeraha 1% ay yihiin British bals shaqaalaha kale oo wax soosaarka ku tiirsan yahay ay ka yimaadaan Yurub gaar ahaan bariga yurub.
Beeraleydu waxa ay sheegeen in dadka british ay caajis badan yihiin islamarkaana diyaar u aheyn ka shaqeynta beeraha.
Waxaa hoos u dhacay farsamo yaqaanada iyo xoogsatada dhanka beeraha ee Yurub ka imaan jiray 40% waxaana laga yaabaa in intaa ay ka badato marka sanadka 2019 ee Britian ay si rasmi ah ay uga baxeyso Yurub.
Ka sukoow beeraha dadka yurub ka yimaada waxa ay qeyb weyn ka geystaan dhismaha oo ay yihiin shaqaalaha ugu badan
Sidoo kale waxaa iyagana qeylinaya shirkadaha britishka ee yurub ka macaasha kuwaas oo marka Yurub laga baxo ay dhib ku noqon doonto suuqa hada xorta ah ee midoowga Yurub
Moxamed dhoorre
Hadalsame Media