WAR CUSUB: AC Milan oo u dhow saxiixa Tiemoue Bakayoko

0

(London) 07 Agoosto 2018 – Sida uu baahinayo hilinka Sky Italia, kooxda AC Milan ayaa wada hadal meel wanaagsan maraya kula jirta laacibka khadka dhexe ee Chelsea ee Tiemoue Bakayoko.

Kooxda Rossoneri ayaa doonaysa inay khadka dhexe iska xoojiso xagaagan, balse maareeyaha farsamada Leonardo ayaa qirtay inay adag tahay inay xagaagan ugu yaraan soo qaataan laacib la mid ah Sergej Milinkovic-Savic FFP darteed.

Haatan ayuu Sky werinayaa in ay Milan u dhowdahay laacibka Chelsea ee Bakayoko, oo ay soo amaahanayso, iyadoo iibsan karta xagaaga xiga.

Laacibkan 23-jirka ah ayaa Blues xagaagii hore uun ugasoo biiray dhanka AS Monaco oo ay kasoo siisatay €45m oo euro, balse weli kama soo bixin  doorkii laga filayay oo kooxda lama qabsanin.

Taakadiisa adag ayaan dhanka kale ku qaabsamayn ciyaarta Maurizio Sarri, balse waa raace anfacaya hannaan ciyaareedka macallinka Milan ee Gennaro Gattuso.

Hadalsame Media