(Zurich) 06 Agoosto 2018 – Waxaa Talyaaniga ka soconaya suuq-xagaagii ugu waalnaa muddo sanado ah, waxayna arrintu salka la geleeysaa arrin sidii silsilad iskugu tolan oo ka dhaxaysa Luka Modric, Miralem Pjanic, Paul Pogba, Sergey Milinkovic-Savic iyo Adrien Rabiot.
Haddii uu mid ka mid ihi dhaqaaqi, waxay taasi wareejinaysaa diinimada midka kale, tusaale ahaan haddii uu Luka Modric aado Inter Milan oo ku raadinaysa qandaraas 4 sano ah oo ay sanadkii ku siinayso € 10 milyan oo euro, waxay Madrid ku khasbaysaa inay raadsadaan Pjanic, oo ah laacib laf-dhabar u ah kooxda Juventus, oo laakiin is furfuri karta haddii 100 milyan loo gaaro.
Kooxda Bianconeri ayaa deeto iyaduna kaashkaa cusub kula ordi karta ukunta Lotito uu ku xisaabtamayo ee Lazio khadka dhexe uga dheela ee Sergej Milinkovic-Savic, kaasoo uu sidoo kale isha ku hayo Leonardo-ha Milan oo shalay Roma kula kulmay wakiilkiisa.
Yeelkeede, agaasimaha farsamada Milan ayaa sido kale doonaya laacibka PSG ee Adrien Rabiot, kaasoo ay kooxdiisu diiddan tahay, balse uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2019, isagoo ka faa’iidaysanaya aqoonta uu u leeyahay hooyadii oo sidoo kale wakiil u ah oo lagu magacaabo Veronique.
Laacib kale oo ka mid ah silsiladdan ay qaar isku xiran yihiin waa Paul Pogba oo ay madaxa iskula jiraan Jose Mourinho oo wata Manchester United, waxaana haddii ay sheekadu tegitaan ku dhamaato laacibkan sanka la raacaysa kooxdiisii hore ee Juve oo beddel uga dhigi karta Pjanic, balse waxaa sidoo kale isla Pjanic uga maarmi karta Barcelona oo la diyaar ah 112 milyan oo euro, haddii laacibku ka tago England.
Hadalsame Media