SOO NOQSHADA MALDINI: Maxaa laga yiri Gattuso, SMS, qaddiyadda Maldini & Curva Sud iyo Kakà oo soo noqon kara! + Sawirro

0

(Milano) 06 Agoosto 2018 – Waxaa goor dhowayd dhamaaday shir jaraa’id oo lagusoo bandhigayay Paolo Maldini, oo noqonaya maareeyaha horumarinta istaraatijiyadeed ee maamulka cusub ee Milan, wuxuuna ka hadlay waxyaabo fara badan. ”Waxaan jeclaystay mashruuca Milan” ayuu yiri.

“Xiriirkayga taageerayaashu waa mid cajiib ah, way i jecel yihiin, wayna i tusaan had iyo goor, wixii na dhex maray aniga iyo Curva Sud waa iska illoobey waana maalintaa ku ekaa,” ayuu yiri Maldini oo sidoo kale sheegay inuusan marna dood ku jirin xilka macallinka Milan ee Gennaro Gattuso oo uu ku sheegay nin yaqaanna qiimaha Milan.

”Marna xilka Gattuso dood ma gelin” ayuu yiri Maldini.

Agaasimaha Farsamada AC Milan ee Leonardo ayaa qortay “inay ugu yaraan xagaagan mustaxiil tahay” inay soo qaataan Sergej Milinkovic-Savic oo Lazio ka tirsan, balse haddii ay helaan xal iyadoo aan lagu xadgudbaynin UEFA FFP ay isku deyi doonaan.

Leonardo, ayaa sidoo kale la waydiiyay in uu sidoo kale soo noqon karo Kakà oo la hadal hayay inuu noqon doono Agaasimaha Kooxda Milan, wuxuuna xaqiijiyay inay wax ka jiraan: “Waa jeclahay, waa ardaygaygii, wuxuu noo muujiyay dareen ku aaddan inuu jecel yahay inuu soo laabto oo uu barto dhanka maamulka, isagoo xitaa bilaash ku shaqaynaya, waxaana sugaynaa bisha Sebmtembar, wuxuu doonayaa inuu kooxda u dhowaado,” ayuu yiri.

Hadalsame Media