(Milano) 06 Agoosto 2018 – Lega Serie A ayaa ku dhawaaqday in ay dadwaynaha garoomada jooga usoo bandhigi doonaan muuqaalka celiska ah ee VAR oo kasoo muuqan doona shaashadaha TV-yada fasal-ciyaareedkan, balse waa kaddib marka uu garsooruhu go’aan qaato.
Horyaalka Talyaaniga ayaa sanadkii tegey hirgeliyay Hannaanka Muuqaalka Garsoorka Kaaliya ee VAR, balse waloow uu wax badan xalliyay, misna waxaa jira cabashooyin.
Mid ka mid ihi waa taageerayaasha garoonka jooga, oo aan ogayn waxa uu yahay muuqaalka lagu celiyay, maaddaama ay daqiiqado qaadato iyadoo aysan la soconin waxa dhacaya.
Goor dhow ayay Lega Serie A sii daysay xeerarkeeda cusub ee fasalka soo aaddan ee la xiriira tababarrada la sameeyn karo, dhererka cowska garoonka, tiknolojiyadda goalline, VAR iwm.
Waxayna go’aamiyeen in daawatada garoonka loo bandhigo muuqaallada ku celiska ah kaddib marka uu eego garsooruhu oo uu go’aan gaaro.
Hadalsame Media