(Hargaysa) 06 Agoosto 2018 – Nin u dhashay dalkaasi Turkey ayaa sheegay inuu magaalada Hargaysa kala kulmay arrin uu aad ula dhacay balse final waa ku noqotay, kaddib markii la kansalay duullimaadkii gayn lagaa Muqdisho.
Ninkan oo Hargaysa ku sugnaa ayaa u duuli lahaa magaalada Muqdisho, taasoo 1,500 km u jirta Muqdisho, balse Enver Kapağan ayaa dadkii ka ag dhowaa kaalmo waydiistey kaddib markii uu la baajiyay duullimaadkii qaadi lahaa.
Yeelkeede, dadka degaanka ayaa Kapağan oo madax ka ah qaybta luuqadaha ee jaamacadda Karabük University, Hargaysana u tegey inuu indha indheeyo imtixaanno halkaa ka dhacayay, si uu u xulo kuwa u qalma inay ku biiraan jaamacadaha Turkiga, u dalbay dayuurad gaar ah.
“Waxaan waydiistey inay igu caawiyaan wax kasta oo ay karaan, balse waxaan filayay baabuur iwm, woxoogaa kaddib waxay ii keeneen gaari, kaasoo i keenay garoonka oo ay diyaar iigu tahay dayuurad khaas ah. Runtii la yaab bay igu noqotay,” ayuu Kapağan u sheegay Anadolu Agency (AA).
Hadalsame Media