(Jigjiga) 06 Agoosto 2018 – Dagaal xoogan oo udhaxeeya Qoowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa hadda waxaa uu ku soconayaa halka ay xuduudda ka wadaagaan deeganada Oramada Iyo Soomaalida ee dhulka ay Itoobiya Maamusho.
Warar aan heleeyno ayaa sheegaya in dhowr tuulo ay qabsadeen Kooxaha Oromada oo ay Soomaalidu leedahay, dagaalkuna wali waa uu socdaa, Aagga dagaalkuna waxa uu umuuqdaa in uu sii ballaaranayo.
Oromada ayaa la sheegayaa inay weerareen tuulooyinka Feerocad iyo Geelboob. Waxayna hadda 7 KM u jiraan magaaladda Tuliguuleed.
Dagaalkan ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu dabayaallo qalalaasihii ka dhacay dhawaan Magaalada Jigjiga halkaa oo waxyeelo loo geeystay dad kasoo jeeday Qoowmiyadda Oromada, kaddib markii ay magaalada la wareegeen ciidamo la sheegay inay Oromo magac dowladeed huwan ahaayeen.
Hadalsame Media