”Abiy Ahmed waa daba-dhilif ay wataan Masar iyo Imaaraatku” – Tigreega oo Abiy ku eedeeyay inuu Itoobiya ”dagaal sokeeye” gelinayo!

0

(Makelle) 06 Agoosto 2018 – Kaddib qaaquullooyinka ka bilowday magaalada Jigjiga oo aan ilaa haatan dhinac u dhicin, ayaa waxaa arrintaa aad ula dhacsan nidaamkii dhacay ee Tigreega oo gaadaya fursad ay uga faa’iidaystaan waxyaabaha socda.

”Dowladda dhexe ee Dr Abiyot Ahmed faraha ayay ka baxday iyadoo muddo 90 cisho ah dalkii madaxa ku istaajisey. Dowlad-goboleedka iyo dadka Tigreegu waa inay u diyaar garoobaan qaab ay isaga difaacaan calooshood u shaqaystayaasha Adis Ababa,” ayaa lagu qoray web ay leeyihiin Tigreegu.

”Todobaadkii tegey, dayuurad C-130 Hercules ah oo siddey 43 askari oo ka tirsan komaandooska sida gaarka ah u tababaran ee Itoobiya ayaa kasoo degey gegada Alula Aba Nega ee Mekelle oo ah caasimadda gobolka Tigrai State. Waxay wararku sheegayaan in ay halkaa u tageen inay dad xirxiraan, waana arrin madmadoow badan abuuraysa,” ayuu raaciyay webka Tigrai Online.

”Tani waa dhamaadka xukuumadda Abiy Ahmed, waana nasiib xumo Itoobiya ku habsatey in ninkan oo ay xukumaan awoodo shisheeye uu dalka halis geliyo, haatan dalku wuxuu qarka u saaran yahay dagaal sokeeye oo ay iska kaashadeen Abiy Ahmed, Masar iyo Imaaraatka,” ayay ku af jareen.

Tigreega ayaan qarinin sida ay u doonayaan inay abuuraan fursad ay iskaga horkeeni karaan qoowmiyadaha dalkaasi Itoobiya, si ay u helaan fursad ay ku fashiliyaan isbeddel aan iyaga ahayn oo Itoobiya ka dhaca, waxayna ilaa xad ku guulaysteen inay is qabadsiiyaan Soomaalida iyo Oromada.

Hadalsame Media