(Caracas) 05 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa weerar lagu qaaday jeer uu si TOOS ah u khudbeeynayay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.
Madaxwaynaha ayaa ka khudbeeynayay musaabad millateri ka hor inta aan lagu weerarin drones qarax, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Jorge Rodriguez, waxayna drones-ka qaarkood ku qarxeen meel aan ka fogayn rakadii uu taagnaa madaxwaynuhu.
“Baartitaannada aannu samaynay oo idil waxay muujinayaan in (qaraxyadu) ay ahaayeen weerar ka dhan ah madaxwayne Nicholas Maduro,” ayuu Rodriguez u sheegay warfidiyeenka.
Madaxwayne Maduro oo kaddib hadlay ayaa weerarkaasi dusha ka saaray kooxaha raacsan siyaasadda midigta fog ee dalkaasi.
Hadalsame Media