”Soo noqoshada Maldini waxay muujinaysaa ballarka mashruuca Milan” – Xiddigihii hore ee Milan oo hambalyo ku hafiyay Maldini

0

(Milano) 05 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa ku dhawaaqday in uu soo laabtay Paolo Maldini oo noqonaya Agaasimaha cusub ee Horumarinta Istaraatijiga ah ee Dhinaca Isboortiga kooxdaasi.

Paolo oo ah halyeey nool oo baal dahab ah uga jira sooyaalka Rossoneri, weliba maalmihii qurxoonaa ayaa kooxda kusoo kordhinaya khibrad, hoggaan, daacadnimo iyo han guuleed, iyadoo berri 16:30 saxaafadda loosoo bandhigayo.

Haddaba, bahda isboortiga Talyaaniga guud ahaan, gaar ahaan qaar ka mid ah asxaabtii hore ee Milan ayaa baraha bulshada ku hafiyay farriimo hambalyo ah oo ay kusoo dhowaynayaan kabtankii hore ee Milan.

Hadalsame Media